Gabadha ugu da’da yar dunida ee haysata billadda nabadda ee Nobel Peace Price, Malala Yousafzai ayaa waxa uu meherkeedu ka dhacay Magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.
Malala Yousafzai ayaa xalay barteeda Twitter-ka ku shaacisay inuu meherkeedu ka dhacay Birmingham, isla-markaana ay Asser oo nin dhallinyaro ah u dooratay midkii ay nolosha wadaagi lahaayeen.
Xaflad yar oo nikaax ayay ku qabsadeen hoyga qoyskooda ee Magaalada Birmingham, boqolaaal kun oo qof ayaana ugu hambalyeeyay barraha bulshada, iyadoona ay Warbaahinta hadalhayso.
“Maanta waa maalin ku weyn noloshayda. Aniga iyo Asser waxaan guntiga u xiranay inaanu noqono lamaanaha nolosha. Waxaan kula dabaaldegnay xaflad yar oo nikaax ah oo ka dhacday guriga qoysaskayna ee Birmingham. Fadlan noo soo dira ducadiina, waan ku faraxsanahay inaan u wada socono safarka nagu soo fool leh.” Ayay tiri Malala Yousafzai.
Gabadhan oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ee Pakistan ayay madaxa ka toogteen Talibanta Pakistan sanadkii 2012, iyadoo markaasi 15 jir ahayd. Toogashadaasi waxaa u gaystay nin xagjir ahaa oo baskii iskuulkeeda la raacay.
Malala oo loo arkayay mid ay halis soo wajahday nolosheeda ayay iyada iyo qoyskeeduba ay magangelyo ka heleen Dowladda Ingiriiska, oo dib u dejin ugu sameysay Magaalada Birmingham.
Laba sano ka dib weerarkaasi (October, 2014) ayay ku guuleysatay Nobel Peace Prize, waxayna noqotay qofka ugu da’da yar dunida ee lagu abaalmariyo billadaasi nabadda.