Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in khilaafka Jubbaland kala dhaxeeya Dowladda Federaalka uu caqabad ku noqday dadaaladii ay gurmadka ku gaarsiin lahaayeen dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan Gobolka Gedo, xilli gobolkaasi uu ka mid yahay deegaanada Jubbaland ee abaarta laga dareemay.
Dowladda Somaliya ayaa sanadkii hore ee 2020 Maamulka Jubbaland kala wareegtay gacan ku haynta Degmooyinka Gobolka Gedo, ka dib doorashadii lagu murmay ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 ka dhacday Magaalada Kismaayo, dib-na loogu soo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Villa Somalia ayaa dhowr kun oo askari u daabushay gobolkaasi, kuwaa oo la xusuusan yahay in 25-kii bishii January ay qaybtood Degmada Beled Xaawo kula dagaalameen ciidamo uu horkacayay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo markii dambe heshiis is afgarad ah la gaaray Dowladda Federaalka.
Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland ayaa yiri “Guud ahaan Somaliya abaar baa ka jirto, laakiin deegaanadan Jubbaland baa u daran, dayrtii la waa’, gu’giina si wanaagsan uma di’in. Marka waa dhibaato uu Ilaahay inuu ummaddiisa ka dulqaado mooyaanee uusan bani’aadam, si’naba wax ka qaban karin, xoolihii waa madheen, dadkiina xaaladooda khatar bay ku jirtaa. Deegaanada ha sii kala darnaadaanee, Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.”
Waxaa uu sheegay dadka Gobolka Jubbada Hoose oo lo’da dhaqda ay ka baaba’een wixii xoolo ay haysteen, halka dadka reer Gedo oo ari’, lo’ iyo geelaba dhaqda ay maanta ka faro maran yihiin.
Madaxweyne Kuxigeenka oo BBC la hadlay ayaa yiri “Gedo waxa ka jiro waa ciidan si sharci darro ah deegaankaas xoog ku qabsaday, una afduuban, in abaarta ka jirta wax laga qabtana dhib bay keenaysaa, sababtoo ah cid kasta oo wax qaban laheyd iyo wixii la samayn lahaana intay siyaasadeeyaan inay wejiyo kale iyo magacyo u yeellaan ayay sameeyaan, laakiin waxaan ka codsanaynaa bani’aadanimada iyo in la kala daayo aragtida lagu kala gedisan yahay.”
Waxa uu intaa ku daray “Maanta waxaan maraynaa bani’aadamka wixii Ilaahay nagu waajib yeelay aan u qaban karno inaan u qabano, ciddii naga aragti gedisan ama magacyo iyo sumado kale diidana inay xilligooda u dhigtaan, maxaa yeelay bani’aadamka asagoo kala aragti ah iyo asagoo isku feker ahayn inay wada noollaadaan oo maslaxadda iyo danta guud, dalkooda iyo dadkooda waxa ay dan ugu jirto inay ka shaqeeyaan baa haboon. Marka waan ka codsanaynaa inay sahlaan.”
Jubbaland oo Dowladda Federaalka ka codsatay inaysan siyaasadeyn abaarta Gobolka Gedo
previous post