Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka jawaabay Eedeyntii Midowga Musharrixiinta written by Warsan Radio 02/12/2021 Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in, iyaga oo hirgalinaya Heshiiskii17 Septembar 2020. Habraacii 1-da October ee lagu unkay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban 2020/2021, Heshiskii 27 May 2021 iyo War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021 uu la wadaagayo Wakiilada Dhaqanka (Nabadoonada Jufooyinka) iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee xulaya Ergadda, Codbixiyayaasha iyo Musharixiinta Doorashooyinka Dadban2020/2021 in shuruudaha soo-dacwoodaha, Mudada soo Gudbinta dacwooyinka, Xafiiska Dacwadaha lagu soo hagaajinayo, muddada baaritaanada, dhagaysiga iyo go’aan ka gaarista dacwooyinka ay ku cad yıhin Habraaca soo gudbinta Dacwooyinka Doorashadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee uu Guddigashaaciyay 01/11/2021.Qoraal Maanta kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa lagu sheegay in ay xasuusinayaan soo dacwoodayaasha Doorashada muddada soo Gudbinta Dacwooyinka cabashooyinka la xiriira saxsanaanta guddiga soo xulista ergada (odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka) lagu soo gudbinayo Saddex maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa marka ay Guddiga Maamulaya Doorashada (SEIT) ay shaaciyaan magacyada Nabadoonada iyo xubnaha Bulashada rayidka kursi walba.” Cabashooyinka la xiriira hab qaybsiga iyo kala shaandheynta ergooyinka waxaa lagu soogudbinayaa Saddex maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa marka la shaaciyo liska ergada kursikasta ayaa lagu yir” Qoraalka guddiga xalinta khilaafaadka.Sidoo kale guddigu waxaa ay sheegeen Cabashooyionka la xiriira diiwaangalinta musharixinta iyo ku dhawaaqida liiska musharixiinta la soo gudbinayo marka la shaaciyo liiska musharixiinta kursi kasta oo ah ka hor 48 saac xiliga doorashada kursigaas.” Marka la qabto doorashada kursi kasta waxaa lagu gudbinayaa cabashooyinka la xiriira natiijadadoorashada kursigaas 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka lagu dhawaaqonatiijada horudhaca ah ee kursigaas. Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban asagoo tixgalinaya in muwaadiniintu ay xaq uleeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana Guddiga uma garawsana cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah.Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa xaqiijiyay inay sirasmi ah u soo gaartay labo dacwo oo Golaha Shacabka ah intii doorashada socotay, waxaana go’aankooda Guddigu u maray hanaanka dhaqanka iyo halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka, wuxuuna Guddiga uu ku booriyay soo-dacwoodayaasha Doorashada ee buuxiyay shuruudaha dacwo oogashada inay dacwooyinkooda Doorashada ku hagaajiyaan Xafisyada uu guddigu ku leeyahay goobaha deegan doorshooyinka dalka muddada kor ku xusan.Ugu dambeyn Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa ka codsaday Golaha Midowga Musharixiinta inay keenaan caddaymo muujnaya in Guddigu hor istaagay in uu qabto dacwado iyo go’aano u guddigagaaray oo aan loo marin habraacin loo dajiyay, waxaana ay u balan qaadeen Golaha Midowga Musharxiinta iyo dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka inuu si daahfurnaan leh u hor keeno dacwooyinkii uu qabtay iyo sidii uu kugaaray go’aanadii uu qaatay markasta oo loo bahdo. Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka jawaabay Eedeyntii Midowga Musharrixiinta was last modified: December 2nd, 2021 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Ruushka oo Soomaaliya u rajeeyay inay guul ka gaarto la-dagaalanka argagixisada next post Maamulka Gobolka Hiiraan oo Hay’adaha samafalka kala hadlay abaaraha You may also like Soomaaliya & Hay’adda lacagta Adduunka oo ka wada-hadlay Arrimaha deyn cafinta 19/05/2022 Shir looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay Garoowe 22/05/2020 Dowlada Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Maaliyadda dalalka Afrika 12/10/2022 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 15/09/2022 Boqortooyada Ingiriiska oo gaadiid dagaal ku wareejiyey ciidanka Xooga Qeybta 60-aad (Sawirro) 07/09/2020 Doorashada dowladaha hoose ee Dalka Turkiga oo Maanta bilaabatay 31/03/2024 Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaacinaya Guddiyada xulaya Ergooyinka doorashada 20/01/2022 Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha Dabaqyo kusoo dumay Magaalada Muqdisho 31/08/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 21/02/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey jadwalka Doorashada Aqalka Sare ee ka soo galaya Koonfur Galbeed 01/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.