Ciidamada difaaca dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay weli holwgallo kala duwan oo dhan ah Ururka Al-Shabaab ka wadaan dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka difaaca Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada lagu burburiyay Saldhigyo ay sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla silsiladda Golis.
Goobaha howlgallada ay ka socdaan ayaa waxaa ay yihiin fhul cidlo ah oo ay kaliya joogaan Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab, iyada oo la soo sheegayo in howlgallada ay jiraan khasaaro ka dhashay.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidammada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay sheegeen in hawlgallada ay sii socon doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ka saarayaan silsiladda Golis ee Gobolka Bari.