Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sanoter Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb-galay kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga Ee Midowga Africa, kaas oo ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoomka).
Kulanka ayaa looga hadlay Qorshaha ay Dowlada Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalka iyo qorshaha bixitaanka Amisom, sidoo kale sidii Ciidanka xoogga dalka ay u hoggaamin lahaayeen howlgalada ka dhanka waxa loogu yeero Argagixisadda.
Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in DFS ay dadaal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta Ciidanka, isla markaana Dowladu ka go’an tahay xaqiijinta Amniga Guud ee Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda
Kulankan ayaa daba socday kulamo Midowga Africa iyo DFS ay ka yeelanayeen Xaalada Kala Guur Ciidanka oo Qorsheheedda Mudo soo socday, isla markaana ujeedku uu yahay in Ciidamada xoogga dalka ay Amniga kala wareegaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.