Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Biyo Dhaamin u sameeyey Qoysaska Danyerta ah ee ku nool Kaamamka Ku yaala Duleedka Magaalada Baydhabo kuwaas oo ka soo Barakacay Abaaraha Daran ee ka jira Deeganada Koonfur Galbeed .
Taliyaha Qeybta 60-aad Gen Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ayaa Warbaahinta u sheegay inay gurmadka Biyo Dhaaminta ah ee loo fidineyo dadka Masaakiinta ah ay sii wadi doonan.
Qaar ka mid ah Gobolada Dalka ayey ka jirtaa abaar aad u daran oo waxyeelo u geysatay Danyarta,Beeralayda iyo Shacabka Xoollo dhaqatada Soomaaliyeed.