Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub la saxiixatay dowladda Finlanad, kaasi oo ku kacaya €7.65 milyan Euro oo u dhiganta $8.64 milyan oo dollar.
Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Safiirka dowladda Finland ee Soomaaliya Marwo Johanna Jokinen ayaa rasmi ah u kala saxiixday heshiiskan, waxaana lagu taageeraaya horumarinta adeegyada waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa fursad siinaya caruurta ka maqana goobaha waxbarashada, sidoo kalana kaalin muhiim ah ka geysanaya tayeynta waxbarashada, sida uu munaasibadaas ka sheegya Wasiir Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji.
Sidoo kale waxa uu wasiirka ku amaanay dowladda Finland doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya iyo wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.https://9706a69bb4e4b0fa83f76f0a18d1d5f6.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html
Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF ayaa deeqdan lacageed si wada-jir ah ugu fulin doona mashaariicda loogu tala galay, sida uu qorshuhu yahay ka wada hirgeli doona guud ahaan dalka.