Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa xalay bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud.
Ceeldheere ayaa ku taala waddada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyadoo qiyaastii 30km ay dhinaca koonfureed kaga beegan tahay Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.
Ciidamadii Galmudug ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa u ruqaansaday dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.
Shabaabka ayaa burburiyay xaruntii maamulka iyo saldhigyadii ciidanka ay ku lahaayeen deegaankaasi, ka dib markii ay qaraxyo ku xireen.
Dadka deegaanka ayaa Universaltv u sheegay in maleeshiyada Al Shabaab oo lugeynaya ay goor dambe oo xalay ahayd gudaha u soo galeen deegaankaasi.
Dadku waxay kaloo sheegeen inay maqleen dhowr qarax, oo Shabaabku ku burburiyeen xaruntii maamulka iyo Saldhiggii Booliska ee Ceeldheere, sidoo kalena ay dab qabadsiiyeen Xeradii Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu ku lahaa deegaankaasi.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka wada guluf ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan Ceeldheere.
Ururka Shabaab oo la wareegay deegaanka Ceeldheere oo hoos-tagga Dhuusamareeb
previous post