Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga Gaarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay howlaha socda ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOM) kala dhaxeeya Wasaaradda Gaashaandhigga, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.
Qoraalka laguma faah faahin waxa labada dhinac ka dhaxeeya ee lagaga hadlay kulanka, waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulanka lagu lafa-guray qorshaha ay Dowladda Federaalka ku dooneyso inay kula wareegto amniga qaranka.
Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeyso qorshaha ah inay amniga dalka kala wareegto Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, iyadoo ujeedkuna yahay inay dalka isaga baxaan.
Waqtiga Hawlgalka Midowga Afrika ee dalka ayaa ku eg 31-ka bishan December, xilli la filayo in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu muddada u kordhiyo jooggitaanka AMISOM ee dalka, waana xilli ay dowladdu sheegtay inaanay marnaba aqbali doonin qorsheyaal kale, oo aan rabitaankeeda ku dhisnayn.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samantar (Gacaliye) iyo Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda, Cali Aadan Xasan, halka James Swan ay kulanka ku wehlinayeen Danjire Lisa Filipeto, Madaxa UNSOS, Marwo Kirsten Young, Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka, Papa Ngom, Lataliyaha Sare Ciidanka UNSOM iyo Marwo Adelina Urmanova, Kaaliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ee UNSOM.