Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso.
Cabdisamad Maxamed Gallan Wasiirka Amniga Puntland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu diyaar u yahay wadahadal in lagu dhameeyo khilaafka sababay dagaalka Boosaaso.
Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa sheegay in labada dhinac aqbaleen xabad joojin iyo wada hadal.
Magaalada Boosaaso ayaa dagaal ka dhacay maanta waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ah,waxaana ka mid ah dadka ku dhintey saddex ruux oo isku qoys ah.
Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in dadka ku dhintey uu ka mid ahaa wadaad caan ka ahaa magaalada Boosaaso oo Imaam ka ahaa masjid ku yaal magaalada.
Boqolaal qoys ayaa ka barakacay guryahooda iyadoo dadkaasina ay ka baxeen magaalada Boosaaso.