Waxaa Maanta Maalintii Saddexaad galaya shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Maanta oo Arbaco ah ayay Golaha wadatashiga Qaran sii amba qaadayaan shirkooda, waxaana looga hadlayaa ajandayaasha kala ah.
1:- Hirgalinta heshiisyada doorashada, jadwalka,
caqabadaha iyo cabashooyinka hufnaanta.
2:- Falanqeyn iyo wadatashi talooyinka iyo
fulinta heshiisyada iyo habraacyada.
3:- Go’aan qaadasho arrimaha kala duwan ee
shirka horyaal iyadoo la tixgalinayo talooyinkii iyo macluumaadkii maalintii koowaad ee Shirka.
4:- Soo bandhigga Qorshaha Goedi-socodka
koowad ee shirka; Dowladnimda Xilliga Kala-guurka
Ugu dambeyn Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo, isla markaana laga soo saaro Wamurtiyeedka ku saabsan Qorshaha Geedi-socodka Dhismaha Dowladnimda Xilliga Kala-guurka ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.