Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegayay in shirka golaha wadatashiga uu burbur ku dhaw yahay isla markaana uu xoogeystey khilaaf ka dhashay cidda ammaanka dalka hogaaminayso
Afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahin Nuur ayaa bartiisa facebook waxa uu ku sheegay inay socdaan doodo adag oo ay madaxdu yeelanayaan.
“Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran waxa uu galay maalinkii 4aad, waxa socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay. Kulamada Madaxdu waa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah.”ayuu yiri Macalimuu Afhayeenka xukuumada.
Sidoo kale afhayeenka xukuumada ayaa dhaliilay dadka qaar ee baraha bulshada soo gelinaya warar been abuur ah.
“Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.”
Si kasta ha ahaatee wararka ka imanaya shirka madasha qaran ayaa sheegaya in weli la isku mari la’ yahay qodobada qaar inkastoo ay socdaan weli dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo kala aragti duwanaanta.