Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa sheegay in heshiis iskaashi istiraatijiyadeed oo 25 sano ah oo ay Shiinaha la saxiixdeen bishii March ee sannadkii hore uu dhaqan galay, taasoo qayb ka ahayd natiijadii booqashadii muhiimka ahayd ee uu ku tagay Shiinaha oo uu ku casuumay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.
“Waxaan ku heshiinnay inaan maanta ku dhawaaqno inay tahay taariikhda la bilaabayo hirgelinta heshiiska dhameystiran ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Iran iyo Shiinaha”ayuu yiri Amir-Abdollahian.
Iran iyo Shiinaha ayaa bishii March ee sannadkii hore kala saxeexday heshiis iskaashi oo istaraatiijiyadeed oo dhammaystiran oo soconaya 25 sano, iyagoo oo ka soo horjeeda cunaqabataynta halka dhinac ee Maraykanka si loo xoojiyo isbahaysiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah.
Heshiiska ayaa si rasmi ah u diiwaan gelinaya Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Dhamaystiran ee Shiinaha iyo Iiraan kaas oo lagu dhawaaqay booqashadii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si kor loogu qaado iskaashiga dhaqaale ee labada dal 25-ka sano ee soo socota.
Wuxuu u u gogol xaarayaa ka qaybgalka Iran ee Hindisaha Belt and Road Initiative. , mashruuc kaabayaal dhaqaale oo baaxad leh oo ka bilaabmaya Bariga Aasiya ilaa Yurub.