Cabdinuur Cali Aadan ayaa ku guuleeystay kursiga tirsigiisu yahay HOP028 kadib markii uu u tanaasulay musharaxii la tartamayey oo ahaa Axmed Cabdi Maxamed.
Ergada kursigaas HOP028 ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey Cabdinuur Cali Aadan, waxaan ku dhawaaqay natiijada kursiga Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland.
Cabdinuur Cali Aadan ayaa helay 89 Cod majirin wax diiday ama ka aamusay, wuxuuna hadda ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Jubbaland sidoo kalena uu kasoo qabtay Jubbaland xilalka Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga.
Kursiga uu ku guulaystay Cabdinuur Cali Aadan jiidaaw waxaa 8dii sanno ee ugu dambaysay ku fadhiyay Cabdullaahi aadan Shaacir.