Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta soo saaray jadwalka doorashada 5 kursi oo xalay la soo saarey liiskooda.
Shanta kursi ayaa waxaa ku tartami doona Xildhibaano Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay iyo kuwo hadda doonaya inay kamid noqdaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in 24-ka Bisha oo ku beegan Maalinta Berito ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta iyo Shaacinta Guddiga Xulista Ergada, halka 26-ka Bishaan ay qaban doonaan Tababarida Guddiga iyo soo Gudbinta Ergooyinka.
Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in 27-ka Bishaan ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta Ergada iyo Tababarka Ergada, sidoo kale 29-ka Bishaan Janaayo ay qabanayaan Diiwaangalinta, Qabashada araajida iyo lacag shubista musharaxiinta, isla markaana 30-ka Bisha la qabanayo doorashada 5-ta Kursi.
Kuraasta Shanta ah ee Maamulka Koonfur Galbeed uu shaaciyay in uu qabanayo doorashadooda ayaa waxaa ay kala yihiin.
1: Hop188oo uu ku fadhiyo Aadan Ibraahim Dhaayow.
2: Hop185 oo uu hadda ku fadhiyo Cali Aadan Xuseen.
3: Hop175 oo uu ku fadhiyo Axmed Xaaji Maxamed Taaw.
4: Hop159 oo uu hadda ku fadhiyo Xasan Ibraahim Maxamed.
5: Hop177 oo uu ku fadhiyo Ibraahim Isaaq Yaroow.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ah Maamulka doortay kuraasta ugu badan ee Golaha Shacabka, waxaana sidoo kale la filayaa in dhawaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qabto doorashada kuraas kale.