Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ayaa HOwlgal Qorshaysan ka sameeyey degaanada kala ah Xawaadleey,Shanloow Jameco,Yaaqle,Dhagaxoow oo dhamantood hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha Ciidamada DANAB ayaa sheegay in intii uu howlgalku socday lagu dilay Saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gaaraya 15 isla markaana lagu burburiyey Goobo Maxakamad iyo Goobo ay lacagaha dadka uga qaadayeen.
” Shacabka ku nool Degaanada howlgalka aan ka sameeynay ayaa Al-Shabaab ku qabay dhib wayn Balse Ciidanka Kumandooska Danab ayaa ka dulqaaday ayuu yiri” Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada.
Degaannada howlgalka Maanta laga sameeyay ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa gacanta ku haayay Al-Shabaab, balse dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Kumaandooska DANAB.