Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo dad lagu qabqabtay dad farabadan ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ku baarayeen Xaafahada qaar ee degmada Garbahaareey iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu qabtay dad u badan Dhalinyaro.
Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad Gaashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole ayaa sheegay in howlgalkaan uu billow u yahay howlgallo kale oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo laga fulinayo dhamaan degmooyinka Gobolka Gedo.
Waxaa uu ugu baaqay dadka Shacabka ah in aysan qarin hadii ay arkaan Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Guud ahaan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Gedo.
Degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgallo amniga lagu xaqiijinayay.