Dowladda isutaga Imaaraatka Carabta ayaa soo dhoweeyay raaligelintii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay dhacdadii 2018-kii ee lagala wareegay lacagihii iyo kaalmooyinkii loogu talagalay in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa Warkaan shaacisay, waxaana tallaabadan ay timid kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble ay booqasho rasmi ah ku tageen Imaaraadka Carabta oo ay kula kulmeen Madaxda dalkaas.
Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkooda uusan wanaagsaneyn dhowrkii sano ee la soo dhaafay, hayeeshee Ra’iisul Wasaaraha uu wado dadaalo uu dib ugu soo celinayo xiriirkooda.