Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire ayaa Shir gudoomiyay Shirka amniga gobolka Mudug.
Shirkaan oo Asbuucla ahaa ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) Taliyaha Ciidamada isku dhafka Gobolka Mudug Puntland iyo Galmadug Cabdiqani yaasiin Maxamuud (Haanfari) Guddoomiyaha Maxkamada darajada kowaad Cabdinaasir Maxamed Cali iyo laamaha amniga Taliyayaasha Saldhigyada Taliyayasha Deegaanada Gobolka Mudug iyo laamaha Taraafikada
Shirkaan ayaa looga hadlayay xaaladihii u dambeeyay ee Gobolka Mudug warbixinada laamaha amniga waxaa sidoo kale ka mid ahaa insixoogleh loola dagaalamo khamriga iyo dadka geysta falalka Amndarro.