Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo sanad iyo bar kadib tegay kadib doorashadiisii Magaalada Beledweyne ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo kala duwan.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana kulamada looga hadlayay xal ka gaarista tabashada ay qabaan dadka kunool Magaalada Bedweyne.
Sidoo kale kulamada ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka sida habka loo wajahayo doorashada 25-ka kursi ee taalla Beledweyne iyo sidii loo adkeyn lahaa Amniga Magaalada Beledweyne loona fulin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in uu la kulmo Odayaasha & waxgaradka Beledweyne, isaga oo ka dhageysan doona warbixino la xiriira tabashada ay qabaan iyo baahiyaha kajira Magaalada Beledweyne.