Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay xalay ka geysteen weerar geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Kooxaha hubeysnaa ayaa galay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye oo wabiga kaabiga ku haya, iyaga oo rasaas la dhacay qaar kamid ah dadkii kujiray masjidka
Wararka la helay ayaa sheegaya in weerarkaas uu ku dhintay hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo kamid ahaa dadka kunool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo dadkii ka dambeeyay weerarkaas ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo katirsan Booliska degmada Afgooye ayaa tegay Masaajidka, iyaga oo howlgal ka sameeyay Aaga uu dilka ka dhacay, waxaana weli la ogeyn sababta loo beegsaday dadkaasi, iyada oo horay loo dilay Imaamkii Masaajidka iyo Wiil uu dhalay oo mu’adin ahaa.
Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin weerarkaas, waxaana degmada Afgooye ay noqotay goob mar walba dadka la isaga dilo, isla markaana aysan jirin cid wax ka qabaneysa.