Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay wadada laamiga ah ee u dhaxeeysa tuulada Birta dheer & Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Shilka oo sigaar ah uga dhacay dalcadda Rabaable ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo maarked ah kana yimid dhinaca magaalada Gaalkacyo, waxaana intanla xaaiijiyay ku dhintay laba rag ah halka ay ku dhaawacmeen Haweeneey iyo Nin la socday.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada ayaa sheegay in Dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay saarnaayeen gaariga yar ee marketka.
Qaar kamid ah dadka kunool tuulada Birta dheer oo hoostagta Magaalada Garoowe ayaa u gurmaday dadka ku waxyeeloobay shilka.
Wadada xiriirisa tuulada Birta dheer iyo Magaalada Garoowe ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay Shilal Gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.