Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxda Shanta dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku yeesheen habka fogaan aragga.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka.
Madaxda Shanta dowlad Hoboleed ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay waebixin la xiriirta hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, iyaga oo u balan qaaday inay dardar gelinayaan doorashooyinka.