Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta shaaciyay inay dib u dhigeen doorashada kursi kamid ah kuraasta la qorsheeyay in 12 bishaan oo ku beegan Maalinta Axadda ah la qabto.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Guddiga doorashooyinka oo la tashi la sameeyay Guddiga heer federaal uu go’aansaday in dib loo dhigo doorashada kursiga Hop#053 kaas oo la dhameystirayo habraacyadiisa.
Kursiga HOP#053 ee doorashadiisa la hakiyay ayaa waxaa loo diiwaangeliyay 7 Haween ah oo doonaya inay ku tartamaan, kuwaas oo kala ah.
1. Reysal Qorane Abshir
2. Xaajiyo Axmed Gaas
3. Farxiyo Abdulahi Shiiqdoon
4. Ubax Abdi Ali
5. Zamzam Xasan Diiriye.
6-Fahmo Caabi Guureeye.
7- Hani Cabdi Gaas.