Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Qardho.
Magaalooyinka Waaciye & Carmo ayaa lagu wadaa in uu ku sii hakado ka hor inta aanu tegin Boosaaso oo ay ugu danbaysay sannadkii hore;markii Al-shabaab ay gashay xabsiga Boosaaso.
Boosaaso waxaa taal kuraasta ugu adag ee Puntland kuwaasi oo ay quud-darraynayaan qaar kamid ah wasiirr DFS ee hore ugu fadhiyey.
Doorashada marka laga yimaaddo arrimaha kale ee socdaalka madaxweynuhu la xidhiidho waxaa kamid ah xal u helista khilaafkii dagaalka sababay ee hoggaanka ciidanka PSF, mase cadda sida loo wajahayo.