Amarro laga soo saaray Amniga Magaalada Garoowe written by Warsan Radio 23/02/2022 Kulan ay yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa Maanta waxaa ay kasoo saareen Amarro dhowr ah oo la xiriira Amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo la xiriira Amniga Magaalada, kaas oo uu faah faahin ka bixiyay Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal.Taliyaha ayaa marka sheegay in xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Garoowe ay tahay mid wanaagsan, balse ay ka feejigan inay soo gaaraan falalka Amni darro ee ka dhacaya Gobolada kale ee dalka.Waxaa uu hadalkiisa uu in taasi ku daray i ay socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, hayeeshee Bulshada looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan Ciidamada si amniga loo sugo.Ugu dambeyn Taliye Xuseen waxaa uu sheegay in Ciidamada Amniga howlgal kasta oo ay kujiraan aysan wax xabbad ah ku ridi karin Magaalada Garoowe, sidoo kalena Bulshada looga baahan yahay inay la socdaan dadka ay Guryaha ka kireeynayaan.Amarkaan kasoo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli ay Magaalada Garoowe ay kamid tahay Goobaha ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka Amarro laga soo saaray Amniga Magaalada Garoowe was last modified: February 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Akhriso:-Xisbiyada Qaran oo $200,000 dollar ugu deeqay Gurmadka Fatahaadaha 05/11/2019 Dhageyso:- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 23/08/2022 Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu wareejiyay qalab lagu qabanayo Doorashada Aqalka Sare 28/07/2021 Dhageyso:- Madaxweynaha Jubbaland oo isku shaandheyn lama filaan ku sameeyay Golihiisa Wasiirada 05/07/2018 Dhageyso:-Gudoomiyaha Gudiga Madxa Banaan ee Dastuurka Dalka Xildhibaan maryan Cariif 18/08/2016 Xamaas oo daldashay rag lagu tuhmay iney la shaqeynayeen Israa’iil 04/09/2022 Kulanka Golaha amaanka ee QM oo looga hadlay dadaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dhismaha dowladnimada 13/09/2020 Madaxweyne Deni oo Maanta furaya kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada puntland 15/06/2020 Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo saaray dacwad ka dhan ah Rag Ajnabi ah 06/05/2023 Xukuumadda Federaalka ah oo baareysa diyaaraddii ku burburtey Berdaale 05/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.