Ciidamada Ruushka ayaa qabsaday magaalada Melitopol ee gobolka koonfurta Ukraine ee Zaporizhzhya, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka Ruushka ee Interfax iyo Sputnik oo soo xiganaya wasaaradda difaaca ee dalkaasi.
Melitopol waa magaalo weyn oo u dhow dekedda muhiimka ah ee Yukreen ee Mariupol.
Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka muuqaal isaga oo ku wareegaya waddooyinka magaalada Kyiv wuxuuna beeniyay wararka sheegaya inuu ugu baaqay ciidamadiisa inay isu dhiibaan ciidamada Ruushka.
“Waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo sheegayo in aan ciidamadeena ugu baaqay in ay hubka dhigaan, iyo in ay jirto daadgureyn ,” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine.