Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi soo qiimeeya xaaladda Deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Garbohaarreey Gobolka Gedo.Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood ayaa ka kala socda Xubno katirsan Guddiga hirgelinta doorashoyinka Heer Federaal, Guddiga Maamulka doorashooyinka Jubbaland, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Avv. Cumar Maxamed CabdulleGuddoomiye
2: Muuse Geelle YuusufGuddoomiye ku xigeen
3: Maxamed Cawil WarsameGuddoomiye Ku Xigeen
4: Maxamed Daahir FaarahXoghayaha Guddiga
5: Maxamed Aadan CismaanXubin
6: lbraahim Aadan Ibraahim.Xubin
7: Ahmed Ruke Yuusuf Xubin
Shaqada Guddigaan ay qaban doonaan ayaa waxaa ay tahay soo qiimeynta jawiga amniga doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee degaan doorasha 2aad Jubaland ee Garbahaareey.
2: Soo qiimeynta adeegyada looga baahanyahay qabashada Doorashada Golaha Shacabka ee Garbahaarreey.
3: Soo ururinta aragtiyaha daneeyayaasha doorashada ee deegaan doorashada 2aad eeJubbaland
Xubnaha Guddiga ayaa laga sugayaa in ay warbixintooda u soo gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha muddo 7 maalmoodSoo ururinta aragtiyaha daneeyayaasha doorashada ee deegaan doorashada 2aad eeJubalaanad