Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku hoyday dalka qatar ayaa maanta halkaasi ka bilaabaya kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ee Maanta ah uu kulan la qaato amiirka dalka qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.
Afhayeenka Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadli doonaan xaalidihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah iyo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah.
Bishii November ee sanadkii tegay ee 2021 ayaa Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay Amiirka dalka Qatar xilli uu booqday dalkaas, waxaana booqashada uu halkaasi ku tegay ay ku beegmeysaa xilli lagu guda jiro waqti doorasho, isla markaana dowladda Qatar ay saameyn weyn ku leedahay doorashada Soomaaliya.