Dhowr iyo toban gantaal oo nooca ridda dheer ah, oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq, ayaa ku dhacay magaalada Irbil ee caasimadda u ah gobolka Kurdish ee waqooyiga dalkaas, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in uusan jirin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaas, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya halka laga soo tuuray iyo bartilmaameedkooda.
Irbil waxaa ku yaalla saldhig ay leeyihiin militeriga Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.
Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaas gantaallada ah uu ka yimid dhinaca waddanka Iiraan.
Mas’uulkan oo qariyay magaciisa ayaan bixinin wax faahfaahin ah oo intaas kasii badan.
Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda, mana jiraan warar rasmi ah oo xogta ku saabsan.