Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyada ee lamagalaay in uu kulan gaar ah uga socdo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan doorashada Golaha Shacabka ee kuraasta taalla Magaalada Beledweyne, kuwaas oo hadda aad u cakiran.
Kulanka oo ah mid ay Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Xildhibaan Nuur iidoow beyle iyo mid kamid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo lagu magacaabo buli kuuwaas oo ah saaxiibada Yuusuf Dabageed.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulanka sidoo kale lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kaas oo ka dhashay doorashada kuraasta taalla Beledweyne.