Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/01/2021 Ruushka oo noqday dalkii ugu horeeyey ee soosaara dawada xanuunka COVID-19 11/08/2020 VIDEO Xaflad Lagu Caleema saareyey Gudoomiyaha & Xogayaxa Midowaga Ardada Jamacada UPJB ayaa Ka dhacadey 18/03/2017 Akhriso:-Guddoonka Aqalka sare iyo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey oo kulmay 09/10/2018 DHAGEYSO+Akhriso+ SAWIRRO:-Dowladda oo go’aan ka gaartay arrinta Qalbi Dhagax 06/09/2017 Trump oo ugu danbeyn ku baaqay shacabka inay afka xirtaan! 22/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/02/2022 Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka 05/01/2022 Sheekh Aadan Madoobe oo farriin u diray Xildhibaannada ka hor doorashada Madaxweynaha 12/05/2022 Waa Kuma Abwaan Maxamed Xasan Cusmaan (An Jeex). 19/02/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.