Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Baraawe 12/05/2020 Dad isku qoys ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan 10/07/2023 Mareykanka oo Itoobiya uga digay Saraakiisha ay dalkeeda ka eriday 02/10/2021 Kulan ay yeesheen guddiga qabanqaabada Banaanbaxa Sabtida oo natiijo la’aan ku dhamaaday 03/03/2021 Press release on Somalia Measles vaccination campaign 13/03/2018 Mucaaradka oo Xukuumadda Somaliland u gudbiyay qoraal ay ku dalbanayaan banaanbax 07/08/2022 Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Washington 23/10/2023 Soomaaliya oo deynta laga cafiyay 14/12/2023 Akhriso+Sawiro;-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta ka qeybgalay kulanka ciidamada 03/08/2017 Ciidanka Nabad Ilaalinta Amisom oo yeeshay Taliye cusub 02/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.