Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamkaa 17/04/2022 Wararkii ugu dambeeyey Shirka Maanta ee Golaha wadatashiga Qaran ka soomaaliya 09/01/2022 Wajigii labaad ee hub ka dhigista maleeshiyo beeleedyada oo ka bilowday Galgaduud 14/06/2020 Dhagayso Warka Habeen ee Warsan Radio 04-12-2016 04/12/2016 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 15/06/2021 Akhriso:-Iskahorimaad Sababay Dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Maanta Gaalkacyo 22/06/2019 Sawirro:-Dowladda Somalia oo Hirgelisay Xarunta xiriirka COVID-19 19/04/2020 Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay ku biirayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda 13/12/2022 Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya 17/11/2021 Ukraine Oo Dalbatay In La Qabato Markab Ruush Ah Oo Sida Qamadi Laga Xaday 02/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.