Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like Dhageyso:-Maamulka Cusub ee Magaalada Jowhar ayaa Bulshada halkaasi ugu baaqey 06/07/2017 Wararkii u dambeeyay xaalada Magaaladda Addis Ababa 03/07/2020 Akhriso:- Xafiiska Hanti Dhowrka Guud oo iska fogeeyay eedeymo uga yimid Maamul goboleedyada 11/09/2018 Qaraxyadii ka dhacay Lebanon Khasaaraha oo sii kordhaya iyo dowladda oo dalbatay gurmad caalami ah 05/08/2020 Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Kiisas Cusub Caabuqa Covid19 17/02/2021 Sacuudiga oo xaramka dhigay qalab lagu ogaanayo dadka qaba Coronavirus (Sawirro) 08/05/2020 Madaxweyne Lafta Gareen oo Muqisho kula Kulmay ku-xigeenka 1-aad Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (Sawirro) 05/08/2020 Farmaajo oo kasoo horjeestay xilal dhawaan la Magacaabay 04/05/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/09/2020 Dhageyso: Maamulka degmada Baladweyne ayaa sheegay in la musuq maasuqay raashin gar gaar ah 25/04/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.