Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 26/05/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 19/12/2021 Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka 21/05/2020 Ardeyda Magaalada Baraawe oo Seegaya Imtixaanka Dowladda iyo maamulka KGS Qaado 18/07/2020 Dhageyso:-Deeq Jaamacadeed Oo ka timed Raisul Wazaaraha Dowlada Federaalka Soomaliya Mudani Xassan Cali Kheyri Ayaa Maanta Lagu Daah Furey Magaalad Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Bay. 20/09/2017 Gudoomiyaha BFS Sheekh Aadan Madoobe oo Turkiga ku booqday Guddoomiyhii hore ee Jawaari 25/10/2022 Aqalka Sare ee Mareykanka oo qaaday tilaabo guul u ah Madaxweyne trump 27/10/2020 Howlgal lagu qabtay Xubin katirsan Al-Shabaab oo laga sameeyay Shabeellaha Hoose 20/05/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 11/07/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 09/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.