Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa noqday maamuladii ugu horreyay ee soo dhameystira doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana horay loo dhameystiray xildhibaanada gobolada Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga.
Golaha Shacabka ayaa ka kooban 275 Xildhibaan ilaa hadda waxaa la doortay 242 xildhibaan, waxaana xildhibaano ay ku dhiman yihiin oo kaliyah maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle.
Hirshabeelle waxaa ku dhiman 13 Xildhibaan halka maamulka Jubbaland ay ku dhiman yihiin 20 Xildhibaan, waxaana sababta Jubbaland wali ay u dhaqaajin la’dahay lagu sheegay khilaafka ka taagan doorashada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Guud ahaan xildhibaanada dhiman waa 33 Xildhibaan, kuwaasoo qaarkood lagu waddo in magaalooyinka Beledweyne iyo Kismaayo lagu kala doorto todobaadkaan.
50 xildhibaan oo kaliyah ayaa dumarka ka ah inta hadda la doortay waxaana muuqata in aysan wali dhaweyn qoondada dumarka loo asteeyay oo aheyd 30%.
Beesha Caalamka ayaa shalay ugu baaqday dhanka kale hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay qabtaan doorashada si deg deg ah oo aan dib u dhac kale laheyn.
“Waxaan si xoog leh ugu boorrineynaa dhammaan daneeyeyaasha in caqabadaha hortaagan dhameystirka geeddi-socodka ee goobaha codbixinta weli harsan ay ku xalliyaan wadahadal iyo wadar ogol, si si dhaqse ah oo lagu kalsoonaan karo loogu soo afmeero doorashooyinka” ayaa lagu sheegay warka shalay kasoo baxay beesha Caalamka.