Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay ka hortageen Nin ka tirsan ururka Al-Shabaab, kaas oo miino ku Aasayay degaanka goof-guduud ee gobolka Baay.
Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ururka 45-aad Guutada 8- aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, waxaana sidoo kale la sheegay inay gacanta ku dhigay mootada nooca laba lugooleeyda ee Fekonta loo yaqaan oo uu watay Ninka oo ay la qaraxday miinada uu aasi rabay.
Sarkaal u hadlay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60aad ayaa sheegay in xog ay ka heleen dadka Shacabka ah ay suurto gelisay inay ka hortagaan Ruuxa miinada Aasayay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ururka 45-aad Guutada 8- aad Qeybta 60-aad ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafado katirsan degaanka goof-guduud ee gobolka Baay, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen qaraxyo miino.
Degaanka goof-guduud ee gobolka Baay ayaa dhowr jeer waxaa dagaal kula wareegay Al-Shabaab oo weeraray, hayeeshee markii dambe ay dib ula wareegeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.