Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xubno kamid ah Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha & Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Muuse Geelle Yuusuf.
labada dhinac ayaa ka wada hadlay dedejinta doorashooyinka, ka mira dhalinta jadwalka doorasho oo ay soo saareen, iyo xal u helida caqabadaha dhamaystirka doorashooyinka.
War kasoo baxay Midowga Murashaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay ka go’an tahay in la dedejiyo doorashada si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.
Xubnaha Midowga Musharrixiinta ee la kulmay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabsishakuur Warsame.