Ibraahim Aadan Cali Najax Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee dhawaan la magacaabay ayaa sheegay in ay ka warhayaan mas’uuliyiin hore iyo kuwox xilal ka haaya Maamulka Gobolka Banaadir inay boobayaan dhul kuyaalla Shabeellaha Hoose.
Qoraal uu guddoomiyaha kusoo qoray barta Facebook ayuu ku sheegay in siweyn mas’uuliiintaas ay ku hayaan boob xoogan dhul kuyaalla deegaanka Jaziira ee degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose sida uu sheegay.
“ Dhulka ku yaala garoonka Ceelhuur waa dhul danguud cidna xoog kuma dhisan karto, xad- gudubyada qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir sameynayaan waxay wax u dhimaysaa xasiloonida iyo nabad kuwada shaqeynta labada maamul ee deriska ah ayuu yiri” Guddoomiye Najax.
Sidoo kale wuxuu sheegay in, iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran difaaca dhulalka danta guud ee gobolka uu shacabka u xaqiijinayo inay ka hortagi doonaan dhul boobkaas ay hormuudka ka yihiin qaar ka mid ah maamulka gobolka banaadir.
Maamulka deegaanka jaziira waxaan fareyaa inay gutaan waajibkooda kana hortagaan dhul boobka ka socoda degaanka ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Weli kama jawaabin eedenyntaas loo jeediyay mas’uuliyiinta katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyada oo dhowr jeer Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose uu ku eedeeyay ma’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka inay dhul Boob ku hayaan.