Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay in uu ka haray tartanka Madaxweynaha written by Warsan Radio 14/05/2022 Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu iska haray tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya.War rasmi ah oo uu soo saaray Daahir ayuu sheegay in uu sii wadi doono sixitaanka nidaamka dowliga ah.SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo.Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay. Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay in uu ka haray tartanka Madaxweynaha was last modified: May 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Xildhibaanada golaha Shacabka next post Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Wareysi Xildhibaan Dahiir Amiin Jesow oo sheegey in 158 shirkadood 14/07/2017 Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir uga qayb galaya dalka Itoobiya 18/02/2023 Dhageyso:-Fariinta Talaalka Cudurka Dabeesha 25/10/2021 Dhageyso:-Dood ku saabsan saameynta Covid-19 uu ku yeeshey Dhaqaalaha KGS. 09/09/2020 Sawirro: Jubbaland iyo Galmudug oo sameysanaya iskaashi gaar ah 16/09/2020 Ciidamada Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo ka sameeyeen degaano 13/12/2021 Wasiirka Gaashaandhiga XfS & Taliyaha Ciidanka xoogga oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab 24/08/2022 Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu dilay Koofur Afrika 01/05/2021 Akhriso:-Maalinta caalamiga ah ee cudurka Cagaarshowga oo Muqdisho laga xusay 29/07/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 12/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.