Baydhowy(Radio Warsan)Wasiirka Wasaaradda gargaarka xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku dhawaad hal iyo badh ku fadhiya xafiiska si sharci daro ah.
Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in aysan u codeyn doonin, maadaama hadda uu ku fashilmay hoggaanka dalka, islamarkaana wali uu xafiiska iska fadhiyo.
Waxa ay sheegtay in aysan codkeeda lacag ku iibsan doonin,islamarkaana musharax kale ay codkeeda siin doonto marka laga reebo Farmaajo.
Khadiijo ayaa xustay in xildhibaanada golaha Shacabka qaarkood lacag lagu iibsanaayo codkooda, islamarkaana aysana aheyn dad xor ah.
“Waligeed ma dhicin inaan madaxweyne doorasho ku jira aan codkeyga lacag uga qaato ama xil u hor fadhiisto,lacagtu ma codeyso damiirka iyo diintaa codeysa sidaas baana ugu codeeyey”ayay tiri Khadiijo.
“Farmaajo si dadban buu wali meesha ku jooga waxaanse leeyahay Shalay Maanta maaha” ayay tiri Khadiijo.