laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad written by Warsan Radio 17/05/2022 Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.Maqaayadda oo ah mid lagu cunteeyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Balcad agagaarka Suuqii hore ee Khudaarta, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta qaar iyo Shaqaalaha Maamulka degmada Balcad.Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan oo kale ah. laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad was last modified: May 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed You may also like Kursi Ka Banaana Golaha Shacabka oo Doorashadiisa Ka Dhacdey Muqdisho . 02/04/2019 Dhageyso barnaamij ku saabsan uruur lamagaca baxhay isgoroy guula deeraan oo ka dhismay 23/01/2017 Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka 06/07/2022 Nin ku hubeysan qaanso iyo falaar oo Dad ku dilay Dal ku yaalla Yurub 14/10/2021 Dhagayso:- Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 02/09/2018 Xukun lagu riday Darawalka iyo Xaasaska Xubno katirsan Al-Shabaab ee lagu qabtay qaraxyada. 24/08/2023 Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo Hambalyo u dirtay shacabka 01/07/2021 Akhriso+SAWIRRO:-Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo munaasabad Afurin iyo Ciidsiin ah u sameeyay Dad Aragga Naafo ka ah 08/06/2018 Qaad si qarsoodi ah loo soo gelin rabay Muqdisho oo la gubay 19/04/2020 Dhageyso:-Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed shariif xasan sheikh aadan oo maanta shir jaa’id ku qabtey magaalada caasimada ah ee muqdisho 09/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.