laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad written by Warsan Radio 17/05/2022 Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.Maqaayadda oo ah mid lagu cunteeyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Balcad agagaarka Suuqii hore ee Khudaarta, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta qaar iyo Shaqaalaha Maamulka degmada Balcad.Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan oo kale ah. laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad was last modified: May 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed You may also like Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay berri tahay Ciid 23/05/2020 Xarunta Dambi Baarista CID oo Shaqadeedii Dib u Bilowday 14/07/2020 Ciidamada Haramcad oo dad badan ka qabqabtay Magaalada Jowhar 06/01/2021 Kulan Looga Hadlaayay Ammaanka Oo Ka Qabsoomay Magaalada Garoowe 24/03/2022 Ciidanka dowladda oo sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen Sarkaal Shabaab ka tirsan 04/06/2022 Ciidamada Millateriga & Booliska Somalia oo howlgal wadajir ah sameeyay 16/02/2022 Qoysas ay barakiciyeen Duurjoog dalka Mozambique 27/05/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/07/2021 RW Abiy Axmed oo kulan la qaatay dhigiisa Suudaan Cabdalla Xamdok 25/08/2020 Madaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Madaxda maamul goboleedyadda 15/04/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.