laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad written by Warsan Radio 17/05/2022 Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.Maqaayadda oo ah mid lagu cunteeyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Balcad agagaarka Suuqii hore ee Khudaarta, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta qaar iyo Shaqaalaha Maamulka degmada Balcad.Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan oo kale ah. laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad was last modified: May 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed You may also like DHAGEEYSTA:-Godomiya kuxigeenka Degmada waajid ayaa Beneeyay Qabsashada Waajid 30/04/2017 Soomaaliya & Jabuuti oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 25/10/2022 Ciidamo gadoodsan oo xiray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha dalka MALI 18/08/2020 Maxaa dhaliyay qaraxii weynaa ee ruxay Magaalada Beyrut? 05/08/2020 Ruto oo isku shaandheyn ku sameeyey Golaha Wasiirada 05/10/2023 Sawiro:-Maxay tahay sababta Maamulka Koonfur Galbeed oo wafdi u diray degmada Bardaale 15/08/2022 Dagaal ka socda Fadhigaab oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo madaxeynaha somaliland oo ka hadlay 19/04/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/12/2020 Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada ciiddul fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed 13/05/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.