laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad written by Warsan Radio 17/05/2022 Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.Maqaayadda oo ah mid lagu cunteeyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Balcad agagaarka Suuqii hore ee Khudaarta, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta qaar iyo Shaqaalaha Maamulka degmada Balcad.Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan oo kale ah. laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad was last modified: May 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed You may also like DHAGEYSO: Casharkii 23aad Ee Tafsiirka Qur’aanka Kariimka Ee Sh. Xasan Gaab 02/01/2018 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/12/2018 Saciid Deni oo Goobjoog ka noqday dhaarinta Wasiirro ka tirsan Puntland 20/03/2024 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 12/11/2020 Shirka wada-tashiga guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka oo magaalada Baydhabo ka socda (Sawirro) 30/11/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 01/09/2021 Akhriso+Sawiro:-Kismaayo oo Maanta markale lagu caleema saaray Axmed madoowe 12/10/2019 Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo Ciidamada ugu baaqay ka hortegida weerarada Al-Shabaab 12/04/2022 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 23/07/2019 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 20/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.