laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad written by Warsan Radio 17/05/2022 Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.Maqaayadda oo ah mid lagu cunteeyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Balcad agagaarka Suuqii hore ee Khudaarta, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta qaar iyo Shaqaalaha Maamulka degmada Balcad.Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan oo kale ah. laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad was last modified: May 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed You may also like Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 29/08/2022 Maraykanka oo walaac ka muujiyay kalsooni kala noqoshadii Ra’iisul Wasaare Kheyre 26/07/2020 Dhimasho & dhaawac ka dhashay Gaari lagu rasaaseeyay Gobolka Galgaduud 16/03/2022 Akhriso:-Madaxda Hirshabelle iyo Guddii ka socday Aqalka Sare oo Muqdisho ku kulmay 30/09/2018 MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Baarlamaanka 12/02/2024 Maamulka gobolka Gedo oo war kasoo saaray doorashada Degmada Garbahaarey 23/02/2022 Ciidamada Dowladda & AMISOM oo degaano la wareegay 17/06/2020 Wararkii ugu dambeeyay magacaabista golaha Wasiirada 03/10/2020 C/kariiin Guuleed oo Bulshada Rayidka kala hadlay dhaqaajinta wada-hadallada Dowladda Federaalka & Somaliland 13/04/2023 Dhageyso:-ku celiska Barnaamijka Beeraha qebta 12 aad 10/05/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.