laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad written by Warsan Radio 17/05/2022 Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.Maqaayadda oo ah mid lagu cunteeyo ayaa ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Maamulka degmada Balcad agagaarka Suuqii hore ee Khudaarta, waxaana inta badan fariista mas’uuliyiinta qaar iyo Shaqaalaha Maamulka degmada Balcad.Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac ah ay ka mid ah yihiin guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle.Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay’adaha amnigu ku raad joogaan.Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan oo kale ah. laamaha Amniga oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qarixii degmada Balcad was last modified: May 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed You may also like DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 06/09/2017 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 15/11/2020 Argagixisada Al-shabaab oo dad shacab ah ku dilay Sh.Hoose 13/01/2020 Dhageyso: Qeybtii 4 aad Barnaamijka Barakacaaysha iyo Covid-19. 12/06/2020 Dhegeyso:Wareysi Dhinacyo Badan Taabanaya oo Aan La Yeelaney Aqoonyahan Sheekh Nuur Abuukar qaasin 24/12/2016 Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Berbera 14/06/2023 Dowladda Sweden oo taageero hor leh u ballan-qaaday Dowladda Soomaaliya 16/02/2023 QARAX KA DHACAY MUQDISHO . 27/03/2019 Agaasimihii Somali Cable oo ku geeriyooday qarixii Maqaayada Blue Sky 17/10/2023 Dowladdaha Somalia iyo Shiinaha oo ka wada hadlay Arrimaha Amniga 29/03/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.