Shirka Midowga Afrika oo furmaya & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 25/05/2022 Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika kaas oo looga hadlayo argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladda.Bilawga shir madaxeedkan ayaa ku beegan maalinta Afrika oo sanad walba la xuso xuska aas aaska ururka midowga Afrika oo la aas aasay 25 May 1963. Waa aasaaskii ururka midowga Afrika (AU).Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ayaa daba socda shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo sanadkii 2021, iyadoo kiisas argagixiso ay ka dhaceen gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Saaxil, Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale.Kulamada ka hor, waxaa magaalada Malabo gaaray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana qaabilay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya labada dal.Bishii Maarso, Midowga Afrika ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana ku qabtay Madal Milicsi oo ku saabsan Isbeddellada aan Dastuuriga ahayn ee Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa dib u soo cusboonaada isbeddellada aan waafaqsanayn dastuurka ee Afrika.Shirka dalalka Midowga Afrika ee ka furmaya Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa ka qeyb geli doona wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda ka qeyb galeysa shirkaas. Shirka Midowga Afrika oo furmaya & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: May 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso+Sawiro :-Barnaamijka Wacyi Galinta Haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb galka Siyaasada Dalka. 20/06/2020 Soomaaliya & Jabuuti oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 25/10/2022 Burundi oo ka hadashay khasaaraha Ciidamadooda ka soo gaaray weerarkii Ceelbaraf 04/05/2022 Dhageyso: Barnaamijka Dhalanyarada Idaacada Warsan 31/07/2023 Masuul caawa lagu dilay Beledweyne iyo dil iyo dhaawac loo geystay kooxdii dishay 03/09/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 06/07/2020 kulanka maanta ee Baarlamaanka Dowlad goboledka Galmudug iyo qodobada looga hadlayo 12/09/2022 Ra’iisul Wasaare Xamse oo Guddi Magacaabay 06/06/2023 Mareykanka oo dadka u geeriyooday Coronavirus ay gaartay 40,000 oo qof 20/04/2020 Wasiir dowlaha Caafimaadka oo daah furtay ololaha tallaalka Dabaysha 27/05/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.