Shirka Midowga Afrika oo furmaya & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 25/05/2022 Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika kaas oo looga hadlayo argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladda.Bilawga shir madaxeedkan ayaa ku beegan maalinta Afrika oo sanad walba la xuso xuska aas aaska ururka midowga Afrika oo la aas aasay 25 May 1963. Waa aasaaskii ururka midowga Afrika (AU).Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ayaa daba socda shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo sanadkii 2021, iyadoo kiisas argagixiso ay ka dhaceen gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Saaxil, Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale.Kulamada ka hor, waxaa magaalada Malabo gaaray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana qaabilay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya labada dal.Bishii Maarso, Midowga Afrika ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana ku qabtay Madal Milicsi oo ku saabsan Isbeddellada aan Dastuuriga ahayn ee Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa dib u soo cusboonaada isbeddellada aan waafaqsanayn dastuurka ee Afrika.Shirka dalalka Midowga Afrika ee ka furmaya Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa ka qeyb geli doona wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda ka qeyb galeysa shirkaas. Shirka Midowga Afrika oo furmaya & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: May 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Maamulka Gobolka Hiiraan oo kormeeray goobaha laga dhisay Biyo xireennada Webiga Shabeelle “SAWIRRO” 06/09/2020 Faah faahin: Duqeyn lala beegsaday Saldhig AS ku lahaayeen Galhareeri 22/02/2024 Wararkii U Dambeeyay Xiisad Dagaal Oo Ka Tagaan Deegaanka Kax-Xandhaale Ee Gobolka Galgalduud 11/12/2021 Bangiga Adduunka oo Ballanqaad u Sameeyey Wadamada Soo Korayo 15/10/2020 Mareykanka oo qirtay in dad rayid ah uu dil & dhaawac ugu geystay dalal ay kujirto Somalia 28/09/2022 DHAGEYSO:-TARTAN HABEENKII KOOWAAD EE RAMADAAN KA XAAFADAHA KALAEH Wadajir A iyo Isha B 29/05/2017 Toogasho ka dhacday Maraykanka & Khasaaro ka dhashay 14/02/2023 Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha oo Ka qayb galay Shirka Maalinta Afrika 04/09/2021 Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dad lagu dilay wadada xiriirisa Matabaan iyo Guriceel 21/01/2021 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/01/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.